Goobihii Cod-Bixinta Doorashada oo Puntland oo soo Xirmay .

October 25, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Goobihii cod-bixinta doorashada Puntland ee saaka ka bilaabatay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa goordhaweyd soo xirmay, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa warbaahinta sidoo kale u sheegay in magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar labo goobood weli lagu jiro safka codeynta, balse 52 goobood ee kale la soo gabagabeeyay.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay in haatan la bilaabay tirinta codadka laga dhiibtay saddexda degmo ee Qardho ,Ufeyn,iyo Eyl.

Natiijada doorashada saddexda degmo ee Qardho ,Eyl iyo Ufeyn ayaa la filayaa in ilaa birito lagu dhawaaqo.

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online