Guddiga Hirgelinta Doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi Somaliland oo diiwaangeliyay ergooyinka

October 30, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta gobolada Waqooyi Soomaliland( SEIT) ayaa wada Diiwaangelinta ergooyinka kuraasta Gollaha Shacabka ee tirsigoodu yahay HOP#239 iyo HOP#237, Diiwaangelinta ayaa si habsamiya uga socota xarunta Villa Rosa ee magaalada Muqdisho.

Iyada oo ay barbar socoto qabashada Codsiga araajida musharixiinta ee kuraasta kor ku xusan. Maalinta berrito ah waxa tababarkii la siin doona Ergooyinka codaynaya.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku sugan xarunta Lagu diiwan galinayo ergooyinka yo musharixiinta, iyagoona xaqiijinaya dhamaan hanaanka iyo Habraacyada Doorashada Gollaha Shacabka.

A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.