Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo soo dhaweeyey xukunka Maxkamada sare ay ku riday xubno ka tirsan Al-Shabaab

October 5, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa soodhaweeyey Xukunka Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ay ku riday maanta 8 kamida inka badan 60-meeyo qofood oo loo hayey kiisas la xiriira Argagixisada Alshabaab kuwaasoo qaybtood ay mareen Hay’adaha cadaalada laguna fuliyey Xukunadii.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri ” Markale waxaan soodhawaynayaa Xukunka Dilkaa ee Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida Puntland ay ku riday 8 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab kuwaas oo ahaa Shabakadii dilalka iyo qaraxyada ka geysan jirey Koonfurta_Magaalada_Galkacyo.

Insha allaah iyaguna waxay maridoonaan Dariiqii ay mareen kuwii ka horeeyey kuwaaso dhadhamin doona xanuunka dhibaatadii ay shacabka ugaysan jireen.

Gaalkacyo wakhti ay soo madho wakhtigii ugu fiicnaa baanu oran karnaa inay ku jirto maanta sidoo kalena ay ka dhamaadeen Cadowgii mudada 13-ka sanaa hortaagnaa horumarka, Nabada iyo Nolaanshiyaha Shacabka Gobolka Mudug, Bulshada waxaan uga mahadcelinayaa doorka muuqda ee ay ka qaateen la shaqaynta Laamaha Amniga ”

XAFIISKA WARFAAINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA
MAAMULKA GOBOLKA MUDUG

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online