Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida S/Guuto Salaad Maxamuud Dhegodheere

October 8, 2021 - Written by Editor

Garoowe:- Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa tacsiyadeeyay Geeridii naxdinta laheyd ee ku timi Allah ha u naxariistee Marxuum S/Guuto Salaad Maxamuud Dhegodheere, oo ku geeriyooday Garoowe.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan Dawladda iyo ummadda reer Puntland ee uu ka geeriyooday Marxuum S/Guuto Salaad Maxamuud Dhegodheere.” Ayuu yiri Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Guddoomiye Cabdicasiis ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka iyo Dawladda Puntland ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online