Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 67-sanno guurada ka soo wareegtay maalintii la sameeyey Calan

October 12, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash “Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hanbalyeynayaa 67-sanno guurada ka soo wareegtay maalintii la sameeyey calan keenna oo ahayd 12, Oktoobar 1954-tii.

Anigoo ku hadlaya afka Dawladda iyo Shacabka Puntland waxaan ummadda Soomaaliyeed si diirran ugu hambalyeynayaa maalintan qiima leh, waa sumad iyo astaan qawmi ah oo mudan karaamayn.

Hal-abuurihii Calankan Maxamed Cawaale Liibaan AUN iyo intii u soo dhimatay ee sababtay inuu si xora dunida uga babado ee u soo halgantay. Inteenna u heellan maamuuskiisa iyo qimayamkiisana Alle ha u fududeeyo.”

DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online