Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland oo shir gudoomiyey shirka Golaha Wasiirad Puntland.[Video/Masawiro]

October 7, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta safaro wafdi Wasiiro ah ku tageen Gobollada Gardafuu iyo Karkaar iyo Ansixinta Xeerka Dalxiiska Puntland.

Golaha ayaa dood dheer kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Dalxiiska Puntland, oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixino ka dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda, wuxuuna boggaadiyay shaqada socota, isagoo faray Hay’addaha Dowladda dhammaan in lasii dardargeliyo shaqooyinka xiligan oo Puntland ay kusoo wajahanyihiin labo Doorasho mida Goleyaasha deegaanka ee hal cod iyo hal qof iyo tan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online