Madaxweynaha Jubaland oo ku baaqay in gargaar deg deg ah lala gaaro dadka ay abaaruhu ay saameeyeen

October 13, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira qeybo kamid ah Jubbaland ay dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda qeybo badan oo kamid ah deegaannada Jubbaland taas oo khatar ku ah nolosha dad badan oo kamid ah bulshada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubbaland ay yihiin kuwo u baahan gurmad caalami ah iyo gargaar deg deg ah oo ay helaaan dadka tabaalaysan.

Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay Dhammaan Hay’adaha gargaarka iyo cid walba oo tageero ka gaysan karta dhibaatada taagan inay tahay hada xiliga ugu haboon ee gurmad deg deg ah loo baahan yahay.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka ay wado dadaalo wax lagaga qabanayo xaaladda hadda taagan isla markaana qiimaynta ay ilaa hadda sameeyeen ay muujinayso in loo baahan yahay gargaar Caalami ah oo wax lagaga qabto saamaynta abaaraha jira ay gaysanayaan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online