Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya

October 9, 2021 - Written by Editor

KIsmaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo sarakiil kale.Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab iyo tageerada howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka ee Jubaland ayaa ka mid ah goobaha saldhigyada ku leeyihiin Ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM ee ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli shalay uu gaaray magaalada Kismaayo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa kaas oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Jubaland waxaa la isla meel dhigay dardargalinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab .

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online