Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo qaabilay madaxa mashruuca horumarinta degmooyinka ee (JPLG) ee Soomaaliya Paul Simkin.

October 20, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa mashruuca horumarinta degmooyinka ee (JPLG) ee Soomaaliya Mudane Paul Simkin.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa mashruuca horumarinta degmooyinka ee Puntland ka socda , sidii la iskagakaashan lahaa Maamul baahinta guud ee degmooyinka iyo doorashooyinka Dowladdaha Hoose ee Puntland.

Gabagabadii Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda ayaa uga mahadceliyey wada-shaqaynta buuxda ee ka dhexeeysa Dowladda iyo hay’adaha bahwadaagta ku ah mashruucaan waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay Dowlad ahaan joogtaynta iyo sare u qaadista mashruuca.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,886 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>