Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo xariga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyey Garoowe.[Masawiro]

October 9, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xarigga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyey Magalaada Garoowe.

Buundada uu Madaxweyne Ku-xigeenku maanta xarigga kajaray oo ay dhistay Dowladda hoose ee Degmada Garoowe oo kaashanaynsa shirkadaha wadaniga ah, waxay noqonaysaa tii labaad ee Garoowe yeelato, Iyadoo fududeyn doonta isku-socodka caasimadda iyo saxmada wadooyinka kale ee magaalada.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa munaasabaddan wehelinayey, Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Taliyaha Ciidamada Booliska , Duqa magalaada Garoowe iyo Saraakiil Madaxtooyo.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online