Puntland oo saaka ay ka bilaabatay Doorashada qof iyo cod ee degmooyinka Qardho,Ufeyn iyo Eyl

October 25, 2021 - Written by Editor

Qardho:-Waxaa saaka u dareeray doorasho qof iyo cod ah Dadweynaha ku nool magaalooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl si ay u doortaan dadkii u matali lahaa Golayaashooda deegaanka ee 3 degmo ee hadda si hordhac ah looga qabanayo doorashada.

Dadweyne aad u fara badan ayaa saaka waxaa lagu arkayey iyagoo safaf dhaadheer ugu jira seejooyinka loo asteeyey in ay ka dhacdo doorashoyinka , Doorashadan ayaa waxaa ay noqonaysaa tii ugu horeysay oo dadweynaha ku nool deegaanada Puntland ay codkooda dhiibanayaan waxaa ku tartamaya ilaa 8 ka mid ah 9 Urur Siyaasadeed ee ka jira Puntland.

Doorashadaan ayaa waxaa ay saaka ku bilaabatay xamaasada waxaan la arkeyey masuuliyiinta ka tirsan ururadda siyaasada ee ka jira Puntland oo codkooda dhiibanaya si ay ugu dhiiro geliyaan taageerayaashooda , ilaa 54 goobood ayaa la geeyey sanaadiiqda doorashada waxaan ku tartam doona dhamaan ururraddda siyaasada ee musharixiinta golaha deegaanka ee degmooyinka Eyl. Ufayn iyo Qardho.

Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa door weyn ka qaatay sugida amniga iyo weliba in ay gacan siiyaan dadka jilicsan ee waayeelka ah ee doonaya in ay codkooda ay dhiibtaan , codbixinta ayaa bilaabtay i6:00 am Subaxnimo waxaan la soo gabagabaynayaa cod bixinta 6:00 Pm Makhribnimo.

Sidee Bulshada Ufeyn ugu dareereen saaka Doorashada deegaanka?… Qardho oo markii ugu horaysay yeelanaysa Gole deegaan oo shacabka doortaan

Eyl oo markii ugu horaysay yeelanaysa Gole deegaan oo shacabka doortaan

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online