Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Baledweyne

October 16, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Qarax xooggan ayaa galabta ka dhacay magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay gudaha saldhigga booliiska ee magaalada Baledweyne.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay gudaha saldhiga booliska waxaana qaraxa sabab u ahaa miino lagu qarxiyey gudaha saldhigga booliiska Baledweyne.

Qaraxa ka dhacay magaalada Baledweyne ayaa waxaa ku dhintay Duqqii degmada Feerfeer ee Soomaaliya Khaliif Garaad Rooble iyo gabar ciidanka booliska ka mid ahayd.

Waxaa sidoo kale oo qaraxa ku dhaawacmay sida la sheegayo taliyaha saldhiga booliska Baledweyne, Maxamed Qoorsheel.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska Baledweyne ayaa qaraxa kadib gabi ahaan xiray agagaarka Saldhiga Booliska, isla markaana bilaabay baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxii dhacay wax war ah wili kama soo bixin laamaha amaanka ee gobalka Hiiraan.

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online