Ra’iisul Wasaaraha JFS oo mar kale la kulmay qoyska IKraan Tahliil Faarax

October 9, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan qoyska Ikraan Tahaliil Faarax oo ay ku jirtay hooyada dhashay Ikraan ee Qaali Maxamuud Guhaad kuwaas oo mar kale ka soo codsaday Ra’iisul Wasaaraha in ay kulan la qaataan una soo gudbiyaan cabasho la xiriirta caqabado ay sheegeen in ay ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada si ay u dhaqaajiyaan kiiska Ikraan ayna u helaan baaris madax bannaan iyo caddaalad.

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa ku celiyay in dhankiisa aanu wax gorgortan ka galeynin kiiska Ikraan ayna ka go’an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin uun ha dhawaato ama ha dheeraato.

Waxa uu RW Rooble qoyska Ikraan Tahaliil uga garaabay xanuunka ay ku heyso gabadhooda oo aan nolol iyo geeri midna lagu heynin ,waalidna uu yahay oo uu qiyaasi karo murugadooda balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in arintaas ay maxkamad hortaallo inshallah maalin maalmaha ka mid ah gacanta lagu dhigi doono dambiilayaashii ku lugta lahaa kiiska.

A/cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259,220 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>