Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Guddiga Amniga Doorashooyinka

October 2, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay u diyaar garowga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Booliska AMISOM iyo Booliska UNka oo ka taageera dhinacyada farsamada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey guddiga amniga doorashooyinka sidii ay uga qeyb qaateen sugidda amniga doorashooyinkii Aqalka Sare, isagoo kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda wadajirka ah ee ku aadan sugidda ammaanka ergooyinka iyo dhinacyada ku howlan hirgelinta doorashada.

Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey shaqooyinka ay qabteen iyo howlaha horyaala ee ugu horreyso sugidda amniga doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhowaan bilaaban doonta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/G Cabdi Xasan Xajaar ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay u gudbiyeen lifaaqyo ku aadan baahidooda dhinacyada sugidda amniga, isla markaana ay diyaar u yihiin fulinta howsha loo xil saaray ee ah ammaanka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusuusiyey xubnaha guddiga musuuliyadda culus ee la saaray in ay ka soo dhalaalaan, maadaama wajiga labaad ee doorashadu uu yahay mid ka culus qeybtii hore.

——Dhamaad—–

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online