Shirweynaha Guud ee Shaqaalaha Madaxtooyada Puntland oo ka qabsoomay Garoowe.[Video]

October 6, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, waxaa maanta ku qabsoomay Shirweynaha Guud ee Shaqaalaha Madaxtooyada Puntland, Kaasi oo looga hadlay dardargelinta shaqada iyo qorsheyaasha cusub horumarinta shaqo.

Shirka waxaa guddoomiyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali, waxaana ka qeybgalay Afhayeenka Madaxtooyada, Agaasimeyaasha Waxaayaha Madaxtooyada, Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada, Madax-qeybeedyada Xafiisyada iyo dhammaan Shaqaalaha Madaxtooyada ee Garoowe.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta shaqada, warbixinta shaqo ee xafiisyada, horumarinta wadasheynta, tababarada iyo fursadaha lagu horumarinayo aqoonta shaqaalaha iyo hirgelinta qorsheyaasha horumarin ee Shaqada Madaxtooyada.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259,220 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>