Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Dawladda Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise (Dhaga-Dheere)

October 8, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Dawladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere, Isagoo ku hadlaya Magacyada Sareeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Alifleyda iyo Dableyda ee Ciidamadda Qalabka sida iyo xaasaskooda.

Taliyaha guud ee Ciidamad Difaac dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere Wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Puntland gaar ahaan ehelada iyo qoyska uu ka baxay uga tacsiyeynaya geerida naxdinta lahayd ee ku timid S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise (Dhaga-Dheere) oo Saaka ku geeriyooday Caasimada Puntland Garowe,

Marxuum-ka wuxuu ka mid ahaa S/kiisha Hogaamada Taliska Guud kuna magacaaban Hogaanka Gaadiidka qayb wayna ka qaatay dhismaha Ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland.Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu janatul fardows ka waraabiyo, eheladii iyo qoyskii uu ka tagayna samir iyo Iimaan ka siiyo,

Aamiin Aamiin, Aamiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259,211 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>