Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) iyo Heer Mamaul Goboleed(GMDHDX)ee Puntland.

October 13, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Xafiskiisa Ku Qaabilay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) iyo Heer Mamaul Goboleed (GMDHDX) ee Puntland.

Kulankaan ayaa la iskaga xog wareystay Xaladaha iyo diyaar Qabashada Kuraasta Aqalka Hoose oo dhawaan sida uu qorsha yahay lagu qaban doono Magalada Bosaaso.

Taliye Xuseen ayaa Gudigaan u sheegay in xili horeba ay u diyaar u noqdeen sugida amniga isagoona sheegay in waxwalba ay Booliska Gobalka Bari diyaar ka yihiin,
Muuse Geelle Faroole oo ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in ay tahay arin wanagsan sida ay Bosaaso diyaar ugu tahay qabsoomida Dorashadaan isagoona u mahadceliyay Booliska Gobalka Bari iyo Bulshada Bosaaso isagoona sheegay in ay tahay wax lagu farxo arintaan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online