Wararkii ugu dambeeyey ee dagaaladii Degmada Guriceel.

October 23, 2021 - Written by Editor

Guriceel:-Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen 40 ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal magaalda Guriceel saakay ka qarxay oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo ciidamada Ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Saraakiil ay VOA la hadashay oo khasaaraha dagaalka aan ka soo xigannay ayaa sheegay in dhimashadu ay u badan tahay askarta dhinacyaddii dagaalamay.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaase VOA u sheegay in dhinaca ciidamada dowladda ay dagaalka kaga dhinteen saddex askari, dhowr iyo toba kalena ay uga dhaawacmeen.

Waxa uu dagaalka ka sheegtay guulo iyo in ay magaalada gacanta ku hayaan oo meel duleedka ah sida uu hadalka u dhigay ay ciidamada Ahlu Sunna rasaas weli ka soo ridayaan.

Dadka dagaalka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug, iyo askar kale oo ka tirsan ciidamada, sida ilo kala duwan u xaqiijiyeen VOA.

Laakiin, goob joogayaal ku sugan magaalada oo ay VOA la hadashay caawa ayaa sheegay in aaney jirin cid weli magaalada si buuxda gacanta ugu heysa, laakiin ciidamada dowladdu ay dagaalkii maanta kula wareegeen saldhigga degmada, Xarunta Gobolka iyo goobo kale.

Xiriir ay VOA la sameeysay madaxda Ahlu Sunna si ay dhinacooda uga hadlaan dagaalka ayeysan ka jawaabin.

Halkan ka dhageyso warbixinta Guriceel

VOA Somalia

Comments are closed.

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online