Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo is-casilay

October 7, 2021 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inuu iscasilay kadib markii isaga iyo madaxweyne Qoor Qoor ay isku khilaafeen arrinta Ahlu-Sunna.

Fiqi, oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya.”

Fiqi ayaa intaas ku daray in mdaxweyne Qoor Qoor “uu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn.”

Waxa uu sheegay in isaga uu soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay inuu qaban doono shir jaraa’id oo u uku faah-faahinayo xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan, fariinna uu ugu diri doono waxgaradka Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor weli kama jawaabin hadalka Fiqi.
VOA

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online