Beesha Caalamka oo ku baaqday doorasho daah-furan oo xalaal ah

November 26, 2021 - Written by Editor

Muqdishu:-Saaxiibada caalamku* waxay boorrinayaan in la dhammaystiro doorashada golaha shacabka oo loo dhan yahay, laguna kalsoonaan karo oo ay aqbali karaan dhammaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed sida ku cad jadwal la shaaciyey, 24 ka Diseembar 2021 iyo in kadib doorashada madaxweynaha lagu soo gabagabeeyo si degdeg ah.

Waxaan ku baaqaynaa in daah-furnaan buuxda loo sameeyo dhammaan geeddi-socodyada la xiriira, oo ay ku jiraan magacaabista guddiga soo xulista, xulasta ergada, diiwaangelinta musharraxiinta, kuraas u xirirsta haweenka musharraxiinta ah, si loogu hoggaansamo qoondada boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyey, iyo maareynta lacagaha musharraxiinta. Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa guddiyada doorashada inay fududeeyaan korjoogeynta dhammaan hawlaha goobaha cod bixinta.

Waxaan ku baaqaynaa in la tix geliyo xaqa ay musharixiinta u leeyihiin in ay isu soo taagaan doorashada iyadoo la marayo jawi ku dhisan tartan dhab ah oo xalaal ah.

Waxaan ku dhiirigelinaynaa ergooyinka iyo musharrixiinta doonaya inay soo gudbiyaan cabashooyinka doorashada inay sidaas ku sameeyaan iyagoo u maraya hababka sharciga ah ee loo sameeyay ujeedkan.

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online