Faahfaahin Qarax ay dhowr qof ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

November 11, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:- Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu qarax ka dhacay galabta isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho,waxaana ugu yaraan ku dhintay qaraxaas saddex qof halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ahaa miino dhulka la galiyey waxaana lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay wateen ciidamada AMISOM oo halkaasi marayay .

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala eegtay kolonyada AMISOM isgoyska Banaadir gaar ahaan meel ku dhow xarunta Villa Baydhabo.

Qaraxan ayaa ku soo aaday xili maanta taliyayaasha amniga gobalka banaadir iyo Ra’iisul Wasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble ay safar dhulka ah ku tageen degmada Balcad .


A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online