Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo bogaadiyey bilaabashada doorashad golaha shacabka

November 2, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa war saxaafadeed ay soo saareen bogaadiyay bilaabashada Doorashada Gollaha Shacabka oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 1- Nofember-2021 la doortay labadii (2) xildhibaan ee ugu horeeyey ee Gollaaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer fedaraal waxa ay u mahad celiyeen Ra’iisal Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Roobleh oo dadaal xoogan galiyay qabsoomida Doorashada Gollaha Shacabka.

Waxa kale oo ay u mahad celiyeen guddiga maamulka doorashada kuraasta Somaliland (SEIT).Sidoo kale Guddigu waxay ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka soomaaliya iyo guddiga maamulaya kuraasta banaadiriga in ay bilaabaan Doorashada Gollaha Shacabka, si looga gudbo marxalada kala guurka ah ee wadanku jiro.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online