Guddigii baarayey kiiska Ikraan Tahliil oo natiijo hordhac ah soo saaray

November 21, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddigii baarayey kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar ka tirsan NISA oo la la’yahay tan iyo June 26 2021, ayaa caawa soo saaray natiijo horudhac oo ay sheegeen inay kasoo baxday baaritaankooda.

Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jeneraal Cabdullaahi Kameey oo ka mid ah guddiga ayaa sheegay inay baareen xubno ay ka mid yihiin taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, taliyaha NISA ee iminka Yaasiin Farey, Cabdullaahi Kulane, Asma Yuusuf iyo Cabdiqani Wadna Qabad oo ka tirsan NISA.

Waxa uu sheegay in hay’adda NISA ay si wanaagsan ugala shaqeysay baaritaanka.

Kameey ayaa sheegay in guddiga ay baaristooda kasoo baxday inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in sarkaalad Ikraan Tahliil ay ku maqan tahay gacanta NISA.

Waxa uu intaas ku daray in Guddiga uu la wareegay gal baariseedka NISA ee sheegaya in Ikraan ay dileen Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inaysan wax shaqo ah ku laheyn dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Inkasta oo guddiga uu sheegay in natiijada ay hurdhac tahay, haddana waxay sidoo kale sheegeen in kiiska lagu soo xiray in cid kasta oo xog ka haysa Ikraan ay lasoo xiriiraan haya’adaha dambi baarista.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online