Madaxweynaha Dowladda Puntland oo xalay kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Booilska Puntland.[Masawiro]

November 23, 2021 - Written by Editor

Ceel-haare:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan dhiirrigelin ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland kula qaatay deegaanka dalxiiska ee Ceel-haare oo ka tirsan degmada Qardho. Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland, ayaa isaga kala yimi Gobollada Puntland Waxaana ay maanta ka qeybgaleen munaasaddii tababarka loogu soo xiray dufcadii 4-aad ee Ciidamada Booliska ee la tababaray, kuwaasi oo laga keenay dhammaan Gobollada Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyay Saraakiisha shaqada wanaagsan ee ay hayaan, wuxuuna faray in lasii laba jibaaro dadaalkooda iyo ka shaqeynta Amniga oo uu ugu horeeyo la dagaalanka maandooriyaha.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidamada Booliska, Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland oo gobollada isaga yimi iyo maamulka Gobolka Karkaar iyo kan Degmada Qardho.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online