Madaxweynaha Dowladda Puntland oo xariga ka jaray hoyga Ciidamada Asluubta Puntland.[Video/Masawiro]

November 28, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegeen Taliyihii cusub ee Ciidanka Asluubta Puntland Gen. Bile Faarax Cali iyo Taliyihii hore Ciidanka Asluubta Puntland Gen. Cali Nuur.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee uu muddo dheer soo qabtay Gen. Cali Nuur Taliyihii Asluubta ee maanta xilka wareejiyay, Wuxuuna ku maamusay in Bilad Shahaado Sharaf uu ku muteystay sida uu usoo dhisay uga a shaqeeyay po wakhti badan u geliyey Ciidanka Asluubta Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in xarunta Kuliyadda Tababarada Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, ee ku taalla Garoowe loogu magac daro Gen. Cali Nuur, maadaama uu dhowr iyo toban sano ka badan kasoo shaqeynayay dhismaha Ciidanka Asluubta Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u dhacday munaasabadda xilwareejinta Taliyeyaasha Ciidanka Asluubta Puntland, Wuxuuna sheegay in Dowladnimadu ku dhisantahay awaamiir iyo kala danbeyn. Taas oo ay laf-dhabar u tahay sareynta sharciga oo aysan dowladdu marnaba gorgortan ka gelayn.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Cadaaladda, Saraakiisha Ciidamada Asluubta iyo Booliska Puntland iyo martisharaf kale.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online