Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarigga ka jaray Warshada Oxygen-ta sameysa.[Video]

November 3, 2021 - Written by Editor

Qardho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarigga ka jaray Warshada Oxygen-ta sameysa oo Wasaaradda Caafimaadka we Dowladda Puntland ay kusoo kordhisay Isbitaalka guud ee magaalada Qardho.

Warshada Oxygen-ta sameysa ee la keenay Isbitaalka Qardho, ayaa wax badan ka tari doonta baahida dhinaca Oxygen-ta xiligan oo uu jiro xanuunka Covid-19, waxaana sidoo kale Dowladda u Qorsheysay inay Warshado oxygen geyso magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray qaybta hooyada iyo dhallaanka ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka Qardho, waa xarun u gaar ah in ubadka ku dhasha waxkayar 9bilood, lagu caawiyo Caafimaad ahaan illaa uu si caadiya ugu korayo.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socota Isbitaalka iyo dadaalka waxqabad ee Wasaaradda Caafimaadka, wuxuuna la wadaagay bulshada in Caafimaadku uu ka midyahay adeegyada muhimka ah ee Bulshada loo hayo, Dowladuna ay muhiimad gaar ah siinayso in dadku helaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran.

..……..Dhamaad…..

Comments are closed.

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online