Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka ay waxyeelladu ka soo gaartey abaaraha ka jira dalka

November 26, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan abaaraha ba’an ee ku dhuftay dalka ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro Walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qaybo badan oo dalka ka mid ah ay ku habsadeen Abaaro ba’an oo galaaftay naf iyo maal ba, sababayna xaalad bini-aadannimo oo degdeg ah, isaga oo faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladdaas adag ee ay ku sugan yihiin gobollo badan oo ka tirsan Dalka.

“Wakhtigan adag, waxaa la inooga baahan yahay in aynu u midowno sidii aynu maal iyo muruqba isugu geyn lahayn gurmadka Walaalaha la dhibaateysan gaajada iyo biyo la’aanta ah. Waxaa kale oo muhiim ah in aynu badinno Alle bariga iyo Roobdoonta, waxaanna rajaynayaa in dalka oo idil aynu ku qabanno Roob-doon mideysan.

”Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhiirrigelinaya in la garab istaago shacabka tabaalaysan ee waxyeelladu ay ka soo gaartay abaaraha weli ka taagan Dalka ayaa Mushaharkiisa Madaxweynenimo ee Bilaha Nofeembar iyo Diseembar ugu deeqay howlaha gurmadka dadkeenna Soomaaliyeed ee la dhibaataysan Abaaraha ka jira Dalka.

Madaxweynaha oo bogaadiyey abaabulka xooggan ee Golaha Xukuumaddu ay bilaabeen si wax looga qabto dhibaatada ay sababeen Abaaruhu, ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samatabixinta walaalaha dhibaataysan, wuxuuna ka codsaday dhammaan shaqaalaha Rayidka ah iyo kuwa gaarka ahba in ay qaataan door la mid ah kii ay Golaha Xukuumaddu 20% ugu jareen Mushaharkooda gurmadka Abaaraha.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;Cabdirashiid Maxamed Xaashi,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta

,Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online