Midowga Murashaxiinta: “Ma aqbali doonno doorasho aan jadwalkeedu caddeyn”

November 18, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa dhaliilay qaabka loo wada doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, waxayna sheegeen inaysan aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn.

War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha ayaa lagu yiri “Xaaladda uu maanta dalkeenna ku suganyahay ma aha mid xamili karta doorasho loo daahiyo dano gurracan ama la boobo, sababtoo ah daaha doorashada ama boobka doorasho waxey dalka u horseedaysaa xaalad cakirnaan iyo colaad sokeeye.”

“Goluhu wuxuu ku boorinayaa Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu dalka ku hoggaamiyo sida dastuurka waafaqsan oo ay dalka ka qabsoomaan doorasho xor iyo xalaal ah, daahfurnaan leh, waqtigooduna cayimanyahay.”

Golaha ayaa ku baaqay in la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda billawga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda.

“Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sidoo kale dalbadeen in ay doorashu noqoto mid si daahfurnaan leh ku dhacda, loona madaxbanneeyo odayaasha dhaqanka beesha kursiga ku astaysan soo xulista ergada, fursad simanna loo siiyo tartamayaasha oo idil, goobta doorashadu ka dhacaysana loo sinnaado.

“Goluhu wuxuu ka dhigayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in la boobo doorashada kuraasta Golaha Shacabka. Dalkeenu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, doorasho la boobana natiijadeedu waa colaad sokeeye, sidaas darteed waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa boobka doorashada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Midowga Murashaxiinta ayaa sidoo kale ku baaqay in la helo korjoogto ka socota bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, si loo hubiyo hufnaanta doorashada.


VOA Somalia
Halgan.ne
t

Comments are closed.

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online