Ra’iisul Wasaaraha DFS oo booqday Ciidanka DFS ee ku sugan Galmudug

November 17, 2021 - Written by Editor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Galmudug ayaa  uu ku ammaanay sida geesinimada leh ee ay argagixisada iyo nabad diidka uga difaacayaan dalka.

Sidokale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Ciidamada ku boorriyay in ay sii labo jibbaaraan howsha adag ee ay Qaranka u hayaan, madaama ay yahiin mid kamid ah cududa u xilsaaray difaaca nabad galyada Dalka.

Booqashada Raisulwasaaraha DFS ku wehliyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo xubno ka tirsan labada gole ee Maamulka Galmudug.


——- Dhamaad—–

Comments are closed.