Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya

November 10, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay Madasha Arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya oo ay soo qaban qaabishay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee XFS.Madashan oo ay ka soo qeyb galeen wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarka ka shaqeeya ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka sheegay in roobabkii la filayay ee baaqday ay sababeen cunto yari iyo abaaro, taas oo keentay xaalad bani’aadminimo oo sii xumaaneysa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarku in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen,si looga hortago macluul la mid ah tii dalka ka dhacday sanadkii 2011.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online