Soomaaliya oo amartay inuu dalka ka baxo ku-xigeenka ergeyga Midowga Afrika

November 4, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo ka dhigtay ‘persona non grata’ (qof aan dalka laga rabin).

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Guddiga Midowga Afrika waxay Simon Mulongo, oo u dhashay dalka Uganda, ku eedeysay “dhaq-dhaqaaqyo aan la jaanqaadi karin waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ma aysan faah-faahin waxa ay yihiin dhaq-dhaqaaqyadaas.

Qoraalka Wasaaradda Arrrimaha Dibadda ayaa Guddiga Midowga Afrika ku wargeliyey in Simon Mulongo uu dalka uga baxo muddo toddobada maalmood gudahood.

Qoraal kooban oo uu bartiisa twitter-ka soo dhigay wasiirka arrrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayuu ku sheegay in dowladda federaalka ay la xisaabtami doonto shaqaalaha Amisom, gaar ahaan kuwa haya xilalka hoggaanka ee laga filayo inay ka foggaadaan wax wax u dhimi kara sharaftooda marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee QM iyo Midowga Afrika.

VOA

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online