Taliska Booliska Soomaaliya oo digniin u diray dhalinyarada Tiktok (Video)

November 7, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo maanta shir gudoominya kulan ay isigu yimaadeen saraakiisha ciidamada booliska degmooyinka gobalka Banaadir waxaana kulanka looga hadlay dhaqan xumada ka socota baraha bulshada gaar ahaan Tiktok-ga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa si dag uga hadlay muuqaalada anshax xumada ah ee lagu baahiyo baraha bulshada, gaar ahaan Tiktok-ga wuxuuna sheegay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan dhalinta dhaqan xumada iyo muuqaalada xun ku faafiya Baraha Bulshada .

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada amniga ee magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in xaalada amaanka ay fiican tahay balse ay baryahan soo baxeen dhalinyaro burcada ah oo dhaca ka geysata degmooyinka magaalada Muqdisho.


A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online