Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Mudug oo beeniyey warqad been abuur ah laga faafiyey

November 17, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Xafiiska taliska qeybta booliska Gobolka Mudug ee dowladda Puntland wuxuu xaqiijinayaa been abuur inay tahay war lagu faafiyay baraha bulshada,oo lagu sheegay Dacwad Taliska qeybtu u gudbiyay Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Gaalkacyo.

Taliyaha Ciidanka booliska Gobolka Mudug Kornayl Muumin Cabdi Shire oo jawaab cad ka bixiyay faafinta been abuurka wuxuu u xaqiijinayaa dhamaan Dadweynaha iyo Hay’addaha ay qusayso inay tahay been abuur qoraalka ku yaala warqada hoos sawirkeedu ka muuqdo,mana jirto khilaaf u dhaxeeya maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Taliska Ciidanka booliska Gobolka Mudug,mana jirto Dacwad ka dhan ah oo Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan uga gudbiyay Taliska ciidanku Garsoorka Gobolka Mudug.

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug wuxuu u caddeynayaa bulshada Gobolka waajib shaqo inay tahay habeen iyo maalin ciidamada amaanku gudashada shaqooyinka sugida Nabadgalyada iyo Ilaalinta Amniga.

Sidoo kale Taliyaha Booliiska Gobolka Kornayl Muumin ayaa ku waaniyay cid kasta oo ku hawlan faafin warar been abuur ah inay ka waan-toobaan dhaqamo la xidhiidha marin habaabinta bulshada,taasoo aysan ugu suurtoobi doonin falal ay ku abuuraan khilaaf iyo arrimo lagu carqaladeyn karo Nabada,Horumarka iyo guud ahaan wada shaqeynta Shacabka iyo Dowladdooda.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online