Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo loo dhaariyay xilalka

November 22, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda FS Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Pekos ayaa Munaasabad ka dhacday Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda Golaha Shacabka ee Villa Hargaysa waxaa loogu dhaariyey xilka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasiirrada oo uu dhaariyey Hab-dhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka FS Xildhibaan Maxamed Cabdilaahi Xasan ayaa waxaa munaasabadda dhaarintooda ka qayb galay xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Ka dib munaasabadda dhaarinta, Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Arrinaha Dibadda ayaa booqasho iyo salaan ugu tegey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isaga oo guddoomiyuhu ugu hambalyeeyey Wasiiradda mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday, una rajeeyey in Eebbe u fududeeyo gudashadeeda.

Waaxda Warbaahinta iyo TeknoolojiyaddaDepartment
of Communication and Information Technology ​(CIT)

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online