Afhayeenka XFS oo sheegay in shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka uu maalmaha soo socda uu furmi doono

December 31, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu shirkaasi ka furmayo magaalada Muqdisho, isla markaana ay joogaan madaxda afar maamul gobolleed.

Afhayeenka ayaa sidoo kale shaaciyey in Madaxweynaha K/Galbeed oo ah halka Madaxweyne ee Muqdisho ka maqan u dhawaan imaanayo, si uu uga qeyb galo shirka.

“Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan,” ayuu yiri Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim.

Qoraalka Macalimuu ayaa intaas ku sii daray, “Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.

Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho.”

Source: Sonna

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online