Ciidamada amniga Gaalkacyo oo howl gal lagula dagaalamyo kooxo cabtooy ah ka fuliyey Aaga Warshada Kabista.[Masawiro]

December 19, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Ciidamada amaanka ayaa caawa ka fuliyay Aaga Warshada Kabista hawlgal qorsheysan oo lagu xoojinayo amaanka iyo soo afjarida haraadiga kooxaha mukhaadaraadka,kuwaas oo gacan saar la leh cid kasta oo dhibaato iyo caddow ku ah guud ahaan horumarka iyo xasiloonida wanaagsan oo ay ku naaloonayaan qeybaha bulshadu.

Ciidanku hawlgalka waxay kusoo qabteen qaar ka mid ah kooxihii bartilmaameedku ku wajahnaa,ma jiro khasaare wayn,marka laga reebo dhaawaca saddex Askari,waxayna ciidamadu si buuxda ula wareegeen goob ay ku ganacsan jireen kooxaha maandooriyaha, kuwaas oo tiro yar oo ka mid ah baxsatey laakiinse ay ku daba-jiraan ciidanku,waxaana la horkeeni doonaa sharciga.

Taliska qeybta booliska Gobolka Mudug wuxuu u xaqiijinayaa bulshada Gobolka,shacabka Gaalkacyo,Dadweynaha Puntland iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed jiritaanka xasilooni buuxda oo Alle idamkiis waari doonta,waana geed ka go’an inay u diyaarsan yihiin dhamaan ciidamada amaanka iyo kuwa difaacu waajibaadka ilaalinta Nabada,Horumarka iyo Sareynta sharciga,si gacan bir ah loogu qabto cadow walba oo Hunguri kasoo galo.

Horumarka laga sameeyay hawl-galkii caawa 48 saac oo soo socota waxaa faahfaahin doona,insha allah saraakiisha iyo Madaxda Gobolka.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online