Ciidanka kala duwan ee Booliska Dowladda Puntland tababar aqoon kororsi ah uga furmay degmada Carmo.[Video]

December 2, 2021 - Written by Editor

Carmo:-Ciidanka kala duwan ee Booliska Dowladda Puntland ayaa tababar aqoon kororsi ah loogu furay Kuliyadda Booliska Soomaaliyeed ee degmada Carmo. Tababarkan ayaa waxaa loo furay Saraakiil iyo Saraakiil xigeen ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland Dowladda Puntland.

Furitaanka tababarka aqoon kororsiga ah ayaa waxa ka qayb galay Agaasimaha Waaxda Furdooyinka W/Maaliyadda Dowlada Puntland Mahdi Faarax Qambi, Taliyaha Kuliyadda Booliska Soomaaliyeed ee Carmo, Taliyaha Hoggaanka Tababarada Boolisk G/sare Maxamed Cabdi iyo Kaaliyaja Taliyaha Booliska G/sare Axmed Cabdi Sugulle.

Tababarakan oo socon doona muddo labaatan maalmood ah ayaa waxa ka qayb ah sida :-

1. Ciidanka Ilaaladda Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
2. Booliska Nabadgelyadda Waddooyinka Puntland.
3. Baarista Danbiyada Booliska (C.I.D)
Si kastaba ciidankan ayaa lagu wadaa marka ay tababarka dhameystaan ay ka howlgalayaan sagaalka gobol Puntland.

Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,852 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>