Cutubyo ka tirsan Booliska Gobolka Mudug oo ku raad jooga Cabtooy xalay rasaas ku furtay Ciidanka amniga ee Gobolka Mudug

December 20, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Cutubyo ka tirsan booliska Gobolka Mudug ee dowlada Puntland oo qeyb ka ahaa hawlgalka dowladdu kula dagaalamayso caadeystayaasha sida dhuumashada uga ganacsada daroogada ayaa maanta gaadhey deegaano ka tirsan Gobolka,waxayna ku raad joogaan firxadka shaqsiyaad ka mid ah kooxdii xalay ciidamada amaanku ay ku beegsadeen hawl-galkii laga sameeyay gudaha magaalada Gaalkacyo.

Tiro dhawr ah oo ka mid ahayd haraadiga qaswadayaasha sida dhuumashada uga ganacsada daroogada waxaa haatan laga baadi goobayaa deegaano ku yaala xuduudka ay wadaagaan dowladda iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya,waxaana ka mid ah deegaanada maanta ciidanka boolisku gaadhey Daaru-salaam,Riig Oomane iyo Deegaano kale.

Dhamaan waxaa lagu wergalinayaa dadweynaha inay kala shaqeeyaan ciidanka booliska soo qabashada shaqsiyaadka islamarkaana qof kasta oo macluumaad ka haya uu lasoo xidhiidho saraakiisha laamaha Amniga Gobolka Mudug.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online