Isimada Puntland oo Go,aan ka soo saaray xiisadii Puntland iyo PSF (Akhriso)

December 7, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Isimada dhaqanka Puntland ayaa go,aan ka soo saaray xiisadii baryahaan u dhexeysay hogaanka ciidanka PSF iyo Puntland waxayna isimadu go’aamiyeen in uu Xilka wareejiyo Agaasmimaha PSF ta Puntland, taasi oo ka dhigan in ay dhaqan gasho, wareegtadii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

Isimada ayaa barayahaan waxay kulamo kala gooni gooni ah la lahayeen hogaanka sare ee ciidamada PSF iyo Madax mataleysa madaxtooyada Puntland kuwaas oo isigu jiray wasiiro iyo saraakiil sare oo ka tirsan qeybaha kala duwan ee Puntland waxaana ay isimada kulamadaas ka dib soo sareen Go,aamada hoos ku qoran.

Akhriso Go’aamada la soo saaray

1 -Waxaa dhaqan gashay xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ee uu xilka kaga qaaday Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Dyaano looguna Magacaabay Aamiin Cabdilaahi Xaaji Kheyr

2-Guryaha Hubka iyo Gaadiidka waxaa Mulkiyadiisa iska leh Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Diyaano

3-Xuquuqdii ka maqnayd ciidanka PSF mudo 13 bilood ah waa in ay bixsaa dowladu.

4-Waa in ay dowladu bixiso kharashka Ilaalada gaarka ah ee Agaasimihii hore ee Ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Cabdilaahi Diyaano madaama uu dalka u soo halgamay

M_M Deeq
Halgan.n

Comments are closed.

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online