Issimada dhaqanka gobollada Bari oo taageeray Baaqii nabad ee Madaxweyne Deni

December 25, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:Issimada dhaqanka gobollada Bari oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada boosaaso ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen Baaqii xabad joojinta iyo Nabad ee uu xalay soo jeediyey Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. issimad ayaa shirka maanta waxaa ay ka soo saareen ilaa 7 qodob:-

1-Waxay sheegeen In ay ka xun Yihiin Dhacdadii Foosha xumayd ee ka Dhacday Magalada Bosaso maalmihii Lasoo Dhaafay.

2- Waxay Soo dhoweyeen una Mahad celiyeen Go’aan kii madaxweynaha Dowlada Puntland Uu ka qaatay Arintii Dhacday.

3-Waxay Ku Baqeen in Magalada lagu soo laabto dadkuna Isdejiyaan oo Guryohooda kusoo Laabtaan.

4-Waxay ku Baaqeen In Loo Gurmado Dadkii ka Barakacay Magalada iyo Dadkii Waxyeeladu Gaartay Dhamaantoodba.

5-In khasarihii ka dhacay Magalada la baaro dhinacnackasta oo Ay tahayba.

6-Madama Ciidanada Dowlada Madaxweynuhu Amray in ay Goobo Hooda Jogaan Anagana Waxaan Amraynaa In ciidamad kale ay Meelahoodii ku Negaadaan.

7-Waxay Isimadu Dadka Reer Puntland ugu Baaqeen In ay Nabada ka shaqayyaan oo Kacmaha isqabsaan.

Sidda oo kale waxay Madaxweynihii Hore C/rahman faroole ugu Baqeen in Uu Raali gelin ka bixiyo Hadalkii xanafta lahaa ee uu Issimada Ugeystey.

—-DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online