Madaxweynaha Dowladda Puntland oo safar shaqo ku tegay degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.[Video]

December 1, 2021 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Kulanka oo ahaa is-xogwareysi ayaa Madaxweynuhu warbixin uga dhegaystay qeybaha kala duwan ee Bulshada oo Madaxweynaha uga mahadceliyay waxaqabadka taabagalay ee uu Puntland ka hirgeliyay sida Dhismaha Ciidamada, Hirgelinta Dimuqraadiyadda, dib-u-habeynta maaliyadda iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa Bulshada degmada Buurtinle ku boggaadiyay dadaalkooda ku aadan ka qeyb qaadashada dowladnimada iyo horumarka, sida isku tashiga ay uga qeyb qaateen dhismaha Wadada laamiga ah ee isku xirta Degmada iyo Gobollada kale.
Madaxweynaha oo ka jaawabaya baahiyaha kooban ee ka jira Degmada, ayaa faray Masuuliyiinta ay khuseyso in dhakhso degmada loo keeno Gaari Booliis oo uu yeellanayo Saldhigga Degmada.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Qaar ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Xubno ka mid ah Senatarada cusub ee Puntland ku metelaya Dowladda Federaalka, Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Taliyaha Qeybta Booliiska ee Gobolka Nugaal, maamulka Degmada Buurtinle, Masuuliyiinta Shirkadda dhismaha wadooyinka ee Isxilqaan, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Buurtinle.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online