Madaxweynaha JFS oo la kulmay Madaxweynaha dalka Turkiga.[Masawiro]

December 17, 2021 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo oo uu kaga qayb galayo Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ku joogo magaalada Istanbuul, ayaa la kulmay dhiggiisa Mudane Recep Dayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray dardar gelinta qorsheyaashii hore ee iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta, iyo bilaabidda kuwo hor leh oo qayb ka ah qorshaha cusub ee iskaashiga ee dalalka Afrika iyo Turkiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Turkiga guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah isu la xoojiyey muhiimadda ay labada Dal u leedahay horumarinta iskaashigooda ku dhisan ka wada shaqaynta danaha Labada Qaran iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika iyo Turkiga, waxaana Madaxweynaha Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan uu bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen isaga oo ku dhiirri galiyey ganacsatadda Soomaaliyeed in ay wax soo saarka Dalkooda u suuq geeyaan Dalka Turkiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo Shacabka Jamhuuriyadda Turkiga garab istaagga walaalnimo ee ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya u tahay saaxiib dhow oo Istaraatiiji ah, iyada oo labada Madaxweyne ay Salaaddii Jimcaha wada oogeen kuna ducaysteen.

Kulankan waxaa madaxweynaha Jamhuuriyadda ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Cabdi Siciid Muuse Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise, Danjiraheenna noo fadhiya Dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Caydiid iyo Agaasime Cabdisalaan Saleebaan Koodaar.

DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online