Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo si weyn loogu soo dhaweeyey Kismaayo

December 15, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta garoonka diyaaradaha sayid Maxamed Cabdille Xasan ku qaabilay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Abdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, oo booqasho maalmo qaadan doonta ku yimid Jubaland.

Masuuliyiin kala duwan oo katirsan labada gole ee Dowlada Jubaland sarakiisha Ciidamada iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhawaynta wafdigan.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in ay aad ula dhacsan yihiin booqashada ay wafdigan ree Koonfur galbeed ku yimaadeen Jubaland, isagoo xusay in gurigoodii labaad ay tahay oo aanay marti ku ahayn isla markana Koonfur galbeed iyo Jubaland ay daris yihiin waxyaabo badana ay ka dhexeeyaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa ka mahad celiyay soo dhawaynta balaaran ee loo sameeyay isagoo hoosta ka xariiqay in labada Shacab iyo Dowladoodba uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo walaalnimo iyo wax wada qabsi ah

.—— DHAMMAAAD—-.

Comments are closed.

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online