Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Baydhabo.

December 19, 2021 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo, xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaasi oo uu kaga qeybgalayo munsaabadda sanad-guurada 3-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen

.Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Shaati-gaduud ee Baydhabo, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Siciid Fiqi, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Baydhabo.

Soo dhoweynta kadib Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonur Galbeed Mudane Axmed Cabdikaariye Qoorqoor iyo Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa wadajir ula hadlay Warbaahinta, waxaana Madaxweynaha Puntland uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen wufuuda ka kala socota Puntland, Galmudug iyo dadka kale ee halkan lagu martiqaaday.

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ka mid ah Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, xubno ka mid ah senatarada cusub ee Puntland ku metelaya Aqalka Sare ee Soomaaliya, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, la taliyeyaal iyo Saraakiil Madaxtooyo.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online