Madaxweynayaasha Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo Warsaxaafeed soo wada saaray

December 17, 2021 - Written by Editor
Kismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa booqasho rasmi ah oo qaadatey muddo laba maalmood ku yimid magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubaland.

Shirar iyo wadatashiyo ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda KG yo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane AxmedMaxamed Islaan ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada Dowladood iyo xaalada guud ee Dalka.

Shirarkaan ayaa waxaa si qoto-dheer loogu falanqeeyey Abaaraha, Aminiga, HorumarintaDhaqaalaha, Ganacsiga, Isdhexgalka Bulshada, Xoojinta Hannaanka Federaal-ka iyo dardar-galinta Doorashooyinka.

Hadaba falanqeyn yo wadtashiyo dheer kaddib, waxay Madaxda labada Dowladdood islaqaateen qodabadan hoos ku xusan.

1.) Abaaraha: waxay Madaxdu walaac ka muujiyeen Abaaraha baahsan ee saameeyey guudahaan Dalka, gaar ahaan Shacabka labada Dowladdood iyagoo ku baaqey in gurmaddegdeg ah o bani’aadanimo lala soo gaaro Shacabka ay Abaartu saameeysey. iyadoo ayka mahadceliyeen dadaalada had socda.

2.) Amiga: In la iska kaashado guud ahaan amniga iyo xasiloonida, la dagaalanka argagixisada yo isweydaarsiga ogaha amniga.

3. Horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga yo Isdhexgalka Bulshada:Iyadoo la tixgelinayo xiriirka dhagan iyo kan dhaqaale ee ka dhexeeya labada shacab wax ay Madaxdu isla qaateen in la dhiirigaliyo lana xoojiyo ganacsiga labada Dowladood, sidoo kalena la iska kaashado horumarinta wax soo saarka sida Beeraha,Xoolaha yo Kaluumeysiga.

.4. Xoojinta Hannaanka Federaal-ka Madaxdu wax ay isla qaateen in ay kawada shaqeeyaan horumarinta iyo taaba gelinta hannanka federaal-ka iyagoo kala kaashan doono Dowladdaha kale ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka & DFS.

5.Doorashooyinka: Madaxdu waxay isla garwaaqsadeen in qabsoomidda, dardargelinta iyo dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo badbaadada dalka.

—DHAMMAAAD—-

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online