Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad guurada 78-aad ee aas-aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed

December 25, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 78-Aad ee Aas-Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ubax dhigay Taallada Halyeeyada Ciidanka Booliska ee Akadeemiyadda Janaraal Kaahiye.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidan Booliska Soomaaliyeed xaqiijinta amniga dalka iyo doorashooyinka, ilaalinta xasilloonida, sarreynta sharciga iyo caddaaladda, taas oo muujineysa miro-dhalka qorsheyaasha dib-u-dhiska Booliska Soomaaliyeed.

“Qof kasta oo Soomaaliyeed waxaa uu markhaati ka yahay isbeddelka iyo dib-u-dhiska xooggan ee aan ku sameynay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kordhiyey tiro iyo tayo ahaanba, taas oo wax weyn ka beddeshay amniga dalka iyo wada shaqeynta kala dhaxaysa shacabka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha amniga dardargelinta howlgallada lagu sugayo amniga dalka, gaar ahaan waqtiga doorashada, isaga oo tilmaamay halista maandooriyaha ku soo kordhay dalkeenna oo Ciidamada Boolisku ay haatan kula jiraan dagaal adag.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhoolla-tus Ciidan, waxa uuna Alle uga baryey dhammaan halyeeyadii naftooda u huray ilaalinta amniga iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiya Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiya Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xildhibaanno ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil ka socotay saaxiibbada Soomaaliya.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online