Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo Colaad Boosaaso

December 22, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa uu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac muwaadiniin aan waxba galabsan.

Madaxweynaha oo ku kalsoon xilkasnimada iyo garashada isimada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuu ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara.
Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoodey shaqaaqadan laga maarmi karey, wuxuuna dadkii ku dhaawacmay Alle uga baryayaa inuu degdeg ugu booga dhayo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dhiirrigelinayaa dadaallada nabadaynta iyo wadahadalka ku dhisan ee ay wadaan isimada iyo dhaqanka Puntland ee u istaagay sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan, looguna danayn lahaa xasilloonida deegaanka iyo danta bulshada reer Puntland.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online