Mu’asasada Al-Minhaaj Faraceeda Gobolka Nugaal soo bandhigtay Waxqabadkeedii Sanadlaha ahaa.[Masawiro]

December 2, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Xaflad Ballaaran oo si heer sare ah u soo agaasintay Mu’asasada Al-Minhaaj Faraceeda Gobolka Nugaal ayaa ku soo bandhigtay Waxqabadkeedii Sanadlaha ahaa ee 2dii Sano ee u dambeeyey. Xafladdaan ayaa ka qabsoontay Qaybta sare ee Masjidka Al-Huda ee Magaalada Garoowe, Waxaana Xafladdaan lagu Soo Bandhigayey Waxqabadka Mu’asasada Al-Minhaaj ka Soo Qayb Galay G.xigeenka Baarlamaanka Puntland, Xildhibaano, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal, Culimaa’udiinka, Aqoonyahanka, Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada iyo Haldoorka Bulshada.

Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Faraceeda Gobolka Nugaal Macallin Mukhtaar Sh Maxamuud Muxumed Ayaa ka Warbixiyey Muddadii labada sano ahayd ee ay Xafiiska Joogeen.

Dhammaan Masuuliyiintii Kala Duwanaa Ee Ka Soo qayb Gashay Munaasabaddan Ayaa Bogaadiyey Shaqada Khayriga ee ay Bulshada U hayso Mu’asasada Dacwada Iyo Horumarinta ee Al-Minhaaj.

Xafiiska Warbaahinta G/Nugaal
Garoowe,Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,853 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>