Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Raysal Wasaarihii e hore Cumar Cabdirashiid

December 4, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa waxaa uu kulan la qaatay Ra’iisul wasaarihii hore XFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyadoo kulanku uu u badnaa soo dhaweyn iyo in ay ka wada hadleen xaalada dalka Soomaaliya uu marayo gaar ahaan Doorashooyinka iyo abaaraha ka jira dalka.

Kulanka dhex maray caawa Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Ra’iisul wasaarihii hore XFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu ku soo idlaay jawi wanaagsan iyadoo la isla qaatay in dalka ay ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay si dalka uusan u gelin xaalad hubanti la’aan ah.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu kulamo la yeeshay Golaha Wadatashiga Qaranka kulamadaas oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online