Ra’iisul wasaare Rooble oo sheegay in shaqadiisu sii wadan doono Amarna siiyey Ciidamada Dowladda.[Video]

December 27, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:- Ra’iisul wasaaraha xukuummadda Federalka Soomaliya mudane Maxamed Xuseen Roob oo goordhowed xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta qaran ayaa sheegay in Madaxweynihii hore Soomaliya Musharax Maxamed Farmaajo saaka subaxnimadii hore soo Weeraray Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo Xarunta Golaha Wasiirada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in talaabooyinka uu qaaday madaxweynihii hore ay yihiin Afgambi bareer ah kaas oo lagu duminayo Dowladnimada, Dastuurka iyo sharciyadda dalka u taal.

” Farmaajo ka sokow inuu shuruucda Dalka ku xadgudbay wuxuu saaka weerar kusoo qaaday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo xarunta Golaha Wasiirada isagoo isku deyaya inuu ka hor joogsado gudashada waajibaadkooda qaran” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in Farmaajo ujeedka uu ka leeyahay Tallaabooyinka Gurracan ee sharciga Baalmarsan ay yihiin kuwo uu ku doonayo inuu ku carqaladeeyo doorashooyinka Dalka,si uu Xafiiska ugu sii joogo sife sharci darro ah si la mid ah isku daygii Fashilmay ee bishii April uu rabay inuu dalka ku dumiyo balse laga hor istaagay.

Ra’iisul wasaaraha Ayaa dhinaca kale ummada Soomaaliyeed ku wargeliyey in maadaama madaxweynihii hore sida muuqata go’aan ku gaaray inuu burburiyo heya’addaha Dowladda isaga oo haysan wax Sharciyad, wax aan shacabka Soomaaliyeed u cadaynayaa in Xukuummadda Federaalka soomaliya oo gudanaysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah gaar ahaan xilliga kala guurka ah ay si buuxda masuul uga tahay hoggaaminta iyo hagista dhamaan heya’addaha kala duwan ee Qaranka,sidaas darteed wax aan farayaa dhamaan Ciidamadda qalabka sida inay si toos ah uga amar qaataan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo garwadeen u ah hawlaha xukuummadda Federaalka Soomaliya,cidkasta oo ka hor timaada amarkan wax aan si deg deg ah ula tiigsan doonaa Sharciga.

Maxamed Farmaajo sida aan la socono waa musharax madaxweyne waxba ugama duwana musharaxiinta kale ee u taagan xilkaan saas darteed Ciidamadda kama amar qaadan karaan,Maadaama uu doonayo inuu heya’addaha iyo awoodaha qaranka uga faa’iidaysto musharaxnimadiisa kuna burburiyo dowladnimada hadii uu waayo dantiisa Shekhsiga ah.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online